Puntland oo sheegtay in ay dhawaan bilaabi doonto dagaal lagu xoreynayo gobolka Sool

Guddiga Difaaca Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in ay dhawaan bilaabi doonto “dagaal xoreyn ah” oo ka dhan ah ciidamada maamulka Somailand ee ku sugan gobolka Sool.

Iyaga oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Garoowe maanta oo Axad ah, Guddiga Difaaca Puntland ayaa sheegay in dhawaan uu bilaabmi doono dagaalka lagu xoreynayo gobolka, iyaga oo intaas ku daray in Madaxweynuhu uu ciidamada amar ku siiyay in ay bilaabaan gulufka.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe, caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*