Puntland oo sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qayb ka aheyn dagaalka Tukaraq

Madaxtooyada Puntland. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qayb ka aheyn dagaalka Tukaraq.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri: “dowladda Puntland waxay cadeynaysaa in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qayb ka ahayn difaaca dowladda Puntland ay iskaga difaacayso gardarada qaawan ee maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool,”

“Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas wax gorgortan ah kama gelayo deegaanada dastuuriga ah ee Puntland,” ayuu bayaanka lagu sii daray.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan keli karin gorgortan, wadahadal, ama tanaasulaad deegaan Puntland leedahay.

Bayaanka ayaa imaanaya iyada oo maalmihii u dambeeyay maasuuliyiinta maamulka Somaliland ay ku eedeynayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda federaalka Soomaaiya in ay ka dambeyso dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Tobonaan qof oo katirsan Puntland iyo Somaliland ayaa ku geeriyooday dagaal Khamiistii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan caafimaadka.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo 80 km dhanka waqooyiga ka jirta Garoowe.

Dagaalka fool ka fool ka ah ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa si rasmi ah u bilaabmay 15-kii bishaan May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*