Puntland oo sheegtay in deegaano kamid ah Puntland ay dhibbaato ka wadaan ururka Takfiirka

Golaha Wasiiradda Puntland. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in deegaano kamid ah Puntland ay dhibbaato ka wadaan ururka Takfiirka, sida ay bayaan ku sheegeen kadib shirkoodii asbuuclaha ahaa golaha wasiiradda Puntland oo shalay oo Khamiis ahayd dhacay.

“Gollaha xukuumaddu waxay caddeeyeen in ay jiraan deegaano  Puntland kamid ah oo ay ka wadaan Ururka Takfiirku dhibbaato akhlaaqeed iyo mid bulsho iyagoo hadda bilaabay in ay ilmaha ka qaataan qoysas Soomaaliyeed, kadibna ay geeyaan goobo aan la garaneyn, arrintaan ayaa waxay kamidtahay qorshe cusub oo ay la yimaadeen Ururka xagjirka ah Takfiirku,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Dhacdooyinkaan kadib waxay golaha xukuumadda Puntland gacanta ku hayaan qorshe looga hortago dhibbaatooyinka ururada xagjirka oo dhan gaar ahaan Ururka Takfiirka.” Ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*