Puntland oo raadinaysa shan xubnood oo Al-Shabaab ah oo ka dambeeyay weerarkii isbiimayn ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo

Wanted2

Wanted1

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa soo bandhigtay sawirada niman katirsan kooxda Al-Shabaab kuwaasoo ka dambeeyay weerarkii isbiimaynta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Laamaha amaanka Puntland ayaa la faray in ay si deg deg ah u soo qabtaan magacyadaan:

  1. Maxamed Nuur Jaamac ama Bashiir Maxamed Nuur oo loo yaqaano “Binu Maxamed”

Da’diisa: 40-45sanno jir.

Ku dhashay: Gaalkacyo.

Beeshiisa: Cumar Maxamuud/ Reer Mahad.

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada Al-Shabaab ee Gobollada Puntland.

  1. Nuur Maxamed Cabdullaahi ama Nuur Cabdullaahi Diini oo loo yaqaano“Nuur Deeq”

Da’diisa: 45 sanno jir.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/ Reer Hilowle.

Shaqadiisa: Madaxa Qaraxyada iyo dilalka Al-Shabaab ee Gobolka Mudug.

  1. Cabdulqaadi Xaaji Yuusuf

Ku dhashay: Gobolka Mudug.

Beeshiisa: Dir/ Qubeys.

  1. Cabdishakuur Mire.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/ Reer Nimcaale.

  1. Muxiyadiin Dakharre.

Ku dhashay: Koonfurta Gaalkacyo.

Beeshiisa: Sacad/Reer Hilowle.

Weerarkii isbiimaynta ahaa ee asbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 30 qof.

 

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*