Puntland oo martigelin doonta shir u dhaxeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya

Shirkii ugu dambeeyay ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo bishii Oktoobar ee 2017. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa martigelin doonta shir u dhaxeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya, sida ay madaxtooyadu bayaan ku sheegtay maanta oo Khamiis ah.

Bayaanka dhexdiisa ayaa Puntland ku sheegtay in ay isku diyaarinayso martigelinta shirka.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga ee dalka iyo xiriirka ka dhaxeeya dowlad goboleedyada Soomaaliya, sida lagu sii sheegay bayaanka.

Puntland ma aysan sheegin wakhtiga saxda ah ee shirka, balse ilo-wareed katirsan dowladda ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in la filayo in shirku uu dhaco dabayaaqada bisha Maarso.

Shirkii ugu dambeeyay ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*