Puntland oo markii ugu horeysay biometric u adeegsanaysa diiwaangelinta ciidamadeeda

Waa markii ugu horeysay oo ay Puntland biometric u adeegsato ciidamadeeda. [Sawirka: Screenshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa bilowday adeegsiga nidaamka tiknoolajiyada biometric si ay u diiwaangeliso ciidamadeeda.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa noqon doona kuwa ugu horeeyay ee ku dhaqma nidaamka, sida lagu sheegay muuqaal ay sii daysay madaxtooyadu gelinkii dambe ee Isniinta.

Ujeedka ayaa la sheegay in uu yahay si loola socda xogta shakhsiga ah ee askari kasta, tirada saxda ah ee ciidamada Puntland iyo in la xaqiijiyo in askari kasta uu si joogto ah u helo xuquuqdiisa.

Waxay noqonaysaa markii ugu horeysay oo ay dowladda Puntland biometric u adeegsato diiwaangelinta ciidamadeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*