Puntland oo markale xabsiga ka sii deysay Caloolgeel oo ku xukunaa dil toogasho ah

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaan Coloolgeel. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa xabsiga ka sii deysay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaan Coloolgeel, taasoo noqoneysa markii labaad oo xabsiga laga sii daayo tan iyo sanadkii 2014-kii.

Siidayntiisa ayaa timid kadib wadaxaajood dhexmaray madaxda Puntland iyo Galmudug, sida ay sheegeen ilo-wareedo haayadaha ammaanka katirsan.

Asbuucii lasoo dhaafay, maxkamada ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Caloolgeel kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo sanadkii 2016, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof.

2012-kii, maxkamada ciidamada Puntland ayaa Caloolgeel ku xukuntay dil balse waxaa amray in la sii daayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyada oo ujeedadu ahayd sidii loo badbaadin lahaa muwaadiniin reer Puntland ah oo Caloolgeel dartiis loogu afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xilligaas ayaa maxkamadu ku eedaysay in lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo isaga oo watay waxyaabaha qarxa.

Caloolgeel ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya ciidamada sirdoonka Puntland ka fuliyeen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug sanadkii 2016, balse warkaas ayaan run noqon.

2017-kii, Caloolgeel ayaa lagu qabtay howlgal wadajir ah oo ciidamada Puntland ee PSF iyo sirdoonka Galmudug ka sameeyeen xaafada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*