Puntland oo mamnuucday Universal TV in uu ka shaqeeyo gudaha Puntland

Universal TV, ayaa ah taleefishinka loogu daawashada badanyahay ee Soomaalida, waxaana xaruntiisu kutaalaa magaalada London. [Xigashada Sawirka: Archive]
Universal TV, ayaa ah taleefishinka loogu daawashada badanyahay ee Soomaalida, waxaana xaruntiisu kutaalaa magaalada London. [Xigashada Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa taleefishinka Universal ka mamnuucday in uu ka howlgalo goboladeeda, sida lagu sheegay bayaan.

Bayaanka oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Puntland maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in Universal TV laga mamnuucay in uu ka shaqeeyo gudaha Puntland.

Bayaanka dhexdiisa, Puntland ayaa Universal TV ku eedaysay in ay baahinayeen warar lidi ku ah ammaanka Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale Universal TV ku eedaysay in ay faafinayeen warar been abuur ah oo gef ku ah shacabka Puntland.

Bartamihii sanadkii 2013-kii, wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa sidan oo kale u mamnuucday Universal TV.

Universal TV, ayaa ah taleefishinka loogu daawashada badanyahay ee Soomaalida, waxaana xaruntiisu kutaalaa magaalada London.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*