Puntland oo ku eedaysay dowlada federaalka Soomaaliya in ciidankeedu qayb ka yihiin dagaalka Gaalkacyo

logo
Sumada dawlada Puntland. [Sawirka: Puntland Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dawlada Puntland ayaa cambaaraysay weeraro isdabajoogga oo maamulka Galmudug iyo dowlada federaalka Soomaaliya oo is kaashanaya ay kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo maalmihii u dambeeyay, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo uu Puntland Mirror arkay.

“Dawladda Puntland waxay dhaleecaynaysaa weerarradii isdaba joogga ahaa ee maamulka Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo is kaashanaya ay kusoo qaadayeen magaalada Gaalkacyo maalmihii udanbeeyey…..Waxay ahayd 9-kii bisha October 2016-ka markii hoggaamiyaha maamulka Galmudug qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu caddeeyey in magaalada Gaalkacyo ay hoos imaan doonto maamulkiisa, kadibna 10-kii bisha October 2016-ka ay maleeshiyada maamulka Galmudug oo taageero ka heleya xooggaga ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya (SNA) ay weerarro kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

“Weeraradaas gardarrada ah ee ay kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay u adeegsadeen hubka culus ee lidka diyaaradaha, qoryaha darandoorriga u dhaca iyo madaafiic kala duwan, isla mar ahaantaana ay ku garaacayeen woqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku waxyeelleeyeen dad shacab ah kuna burburiyeen dhismeyaal….Dawladda Puntland waxa ay Weerarradaas isdaba joogga ah ee maamulka Galmudug iyo xulafadiisu ay kusoo qaadayaan magaalada Gaalkacyo u aragtaa arrin lagu khal-khal gelinayo nabadgelyada gobolka, isla markaana lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashooyinka dadban ee 2016-ka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa sheegtay in ay difaacayso dadkeeda iyo dalkeeda si ay u gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah, sida lagu xusay bayaanka.

“Haddaba dawladda Puntland iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana ilaalinaysa ammaanka gobolka iyo xuquuqda Shacabkeeda waxay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid walba oo kusoo xadgudubta xuduudeheeda, sidoo kale dawladda Puntland waxay soo dhoweyneysaa wax walba oo loogu heli karo nabad iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta.”

Puntland ayaa sheegtay in hub iyo rasaas ay leeyihiin ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya laga soo dajiyay Cadaado iyo koonfurta Gaalkacyo si loogu adeegsado dagaalka Gaalkacyo.

“Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in maalmihii lasoo dhaafay ay hub iyo rasaas tiro badani ka degeyeen garoomada magaalada Cadaado iyo koonfurta Gaalkacyo, hubkaas oo sida ay dawladda Puntland ku hayso caddeymo ah hubka ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya (SNA) oo ka kooban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandooriga u dhaca isla markaana loo adeegsanayo weerarada daandaansiga ah ee lagu soo qaadayo Puntland.”

Ugu dambayna Puntland waxay qeexday in ay u taagantahay mar walba difaacida dadkeeda iyo dalkeeda.

“Dawladda Puntland mar walba waxay u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo hantida shacabkeeda sida uu qabo dastuurka dawladda Puntland, waxay sidoo kale u taagan tahay taabba-gelinta deggnaanshaha, nabad gelyada iyo amniga gobolka, balse haddii xaaladdu ay kusii socoto qalalaasaha siyaasadeed iyo nabadgelya xumada ka jirta gobolka, waxaa masuuliyaddeeda iska leh oo qaadi doonta dawladda Federaalka Soomaaliyeed.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*