Puntland oo kasoo horjeesatay go’aanka dowlada federaalka Soomaaliya ku joojisay qaadka Miirowga ee ka yimaada Kenya

Quran-jacel
Afhayeenka dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac “Quraan-jacel”.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa si rasmiya uga soo horjeesatay go’aanka dowlada federaalka Soomaaliya ku joojisay qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya.

Afhayeenka dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac “Quraan-jacel” oo la hadlay idaacada maxaliga ah ee Radio Garoowe ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya uusan qusayn Puntland.

“Go’aankaas maahan go’aan anaga na quseeya, waxaa la rabaa wasaarada duulista hawada markii ay go’aan qaadanayso in ay u sharaxdo maamul goboleedyada jira iyo garoomada jira iyo shaqada socota sababta iyo khatarta soo korodhay, saas awgeed go’aankaas may noosoo gudbin dowlada federaalka mana ka war-hayno namana quseeyo garoomada Puntland waxay u furanyihiin dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed guud ahaan hadday ka shaqeeyaan rakaab iyo hadday ka shaqeeyaan qaad,” ayuu yiri Quraan-jacel.

“Go’aankaas kasoo baxay wasaarada duulista hawada Soomaaliya nama quseeeyo diyaaradihii ka imaan jiray Kenya Puntland waa u furanyihiin,” ayuu ku daray afhayeenka.

Wasiirka wasaarada duulista hawada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in la hakiyay qaadkii Miirowga ee ka imaan jiray dalka Kenya.

Cali Axmed Jaamac “Jaangali” ayaan faahfaahin sababta loo hakiyay qaadka Miirowga ee ka yimaada Kenya, wuxuuna sheegay in uusan kasoo dagi karin dhamaan garoomada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ah suuqa ugu weyn ee qaadka Miirowga ee Kenya, in ka badan 16 diyaaradood oo wada geedkaas ayaa yimaada gudaha Soomaaliya maalin walba.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*