Puntland oo ka soo horjeesatay sharciga shidaalka uu saxiixay Farmaajo, una digtay shirkadaha

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ka soo horjeesatay sharciga shidaalka oo uu saxiixay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada goor dambe Talaadadii, Puntland ayaa ku sheegtay in mar kale ay ku celinayso in aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan gelinta sharciga batroolka ilaa meesha laga saaro qodobada ka soo horjeeda dastuurka iyo hanaanka federaalka dalka.

Puntland ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha shidaal baarista in aysan geli karin heshiis iyagoo adeegsanaya sharcigaas, aysana isku dayin in ay baaris ka sameeyaan dhulka Puntland.

“Waxay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee danaynaya maalgashiga soo saarista batroolka Soomaaliya bad iyo berriba in ay ka fogaadaan heshiis ku salaysan sharciga batroolka ee cusub ee uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale Dowladda Puntland waxay uga digaysaa in ay u hanqal taagaan khayraadka batroolka ee ceegaaga dhulkeeda iyagoo aan loo soo marin sifo sharci ah.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii saxiixay sharciga shidaalka.

Aqalka hoose iyo aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo meelmariyay sharciga batroolka.

Sharciga ayaa waxaa ka soo horjeestay dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasoo sheegay in aan lagala tashan samayntiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*