Puntland oo ka soo horjeesatay guddi uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wadahadalada Somaliland

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ka soo horjeesatay guddi uu magacaabay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo wadahadal la geli doona maamulka Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland fiidkii xalay ayaa lagu sheegay in hanaanka loo maray magacaabida aysan waafaqsanayn dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

“Puntland waxay cadaynaysaa in hanaanka loo maray magacaabida matalayaasha aysan waafaqsanayn dastuurka ku meelgaarka ah, lana hareer maray qodobkiisa 53-aad farqadiisa labaad oo u dhiggan sidatan: marka ay wadaxaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya dowlad goboleedyada, xukuumada federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiilo ka socda dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka.” Sidaa ayaa Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedka.

“Haddaba si loo gaaro wadahadaladaas xal waara oo miradhala waa in dowladda Puntland ay qeyb mugleh ka qaadato dedaalada iyo wadahadalada lagu baadi goobayo xal u helista qadiyada Puntland iyo Somaliland.” Ayaa lagu sii daray.

Puntland ayaa sheegtay in guddiga la magacaabay ay cadeyn u tahay in aan la rabin xal iyo wadahadal dhab ah, wixii ka yimaadana ay masuul ka noqon doonto dowladda federaalka Soomaaliya.

Dabayaaqadii asbuucii la soo dhaafay, madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay guddi qaran ee dib-u-heshiisiinta iyo wadahadalada Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*