Puntland oo ka hortagi doonta lacagta kaashka ah ee ka imaanaysa bartamaha Soomaaliya

Shillinga Soomaaliga. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa ka hortagi doona lacagta kaashka ah ee la maleynayo in ay ka timaado gobolada dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan.

Isaga oo gudaha Garoowe kula hadlayay wariyeyaasha, guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan lacagta kaashka ah ee ka imaanaysa bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in lacagtaasi ay si dhaqso ah u sababi doonto sicir barar taas oo si toos u saameyn doona sicirka maciishada suuqyada magaalooyinka Puntland haddii aan laga hortagin.

Tilaabadan ayaa imaanaysa kadib markii ganacsatada bartmaha Soomaaliya ay mamnuuceen isticmaalka lacagta kaashka ah.

Shirkoodii asbuuclaha ahaa, golaha wasiiradda Puntland ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay ka dambeyso mamnuucida lacagta, iyada oo ujeedkoodu yahay sidii ay sicir barar uga sameyn lahayd suuqyada kuyaala Puntland.

Puntland ayaa xiriir muhiim ah oo ganacsi la leh bartamaha Soomaaliya, qiyaastii 60% khudrada Puntland ayaa la rumeysanyahay in ay ka timaado bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*