Puntland oo ka hor istaagtay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya in uu yimaado Garoowe

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ka hor istaagtay wefdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya in uu yimaado Garoowe, sida bog wareedka Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha amniga.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada iyo wefdiga ayaa qorsheynayay in ay yimaadaan Garoowe maanta oo Axad ah si ay goobjoog uga nooqdaan doorashada.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu ku adkeystay go’aanka Wasaaradda Amniga kaasoo ka mamnuucaya masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay yimaadaan gudaha Puntland inta lagu guda jiro doorashada,” ilo-wareedka, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa sidaa yiri.

Bayaan ay soo saartay dabayaaqadii bishii December, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa ku mamnuucday masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kamidyihiin wasiiradda, agaasimayaasha, iyo taliyeyaasha ciidamada in ay yimaadaan goboladeeda, iyada oo dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedaysay in ay farogelin ku hayso doorashada madaxweynaha Puntland.

Waxa jira dadaalo dhex-dhexaadin ah oo ay hoggaaminayaan odayaasha dhqanka kuwaasoo doonaya in wefdiga loo ogolaado in ay yimaadaan, sida ilo-wareedku sheegay.

Cawad ayaa wareysi uu siiyay BBC Soomaali Sabtidii ku sheegay in uu tagi doono Garoowe si uu uga qaybgalo doorashada.

Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa dooran doona madaxweyne Talaadada si uu u hoggaamiyo maamulka shanta sanno ee soo socota.

Ilaa iyo hadda, 21 musharax ayaa la diiwaangeliyay si ay ugu loolamaan madaxweyne, sida ay shir jaraaid galabta ku sheegeen guddiga doorashooyinku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*