Puntland oo ka digtay in lacagta kaashka ah ee Dowlada Federaalka siisay Somaliland loo adeegsado colaada Sool iyo Sanaag

Guddiga Difaaca Puntland. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa cambaareysay lacagta kaashka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday Somaliland.

Guddiga difaaca Puntland oo shir saxaafadeed maanta oo Talaado ah ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in lacagtaas kaashka ah ay maamulka Somaliland u adeegsan doonto colaada gobolka Sool iyo Sanaag.

Guddiga difaaca Puntland ayaa sheegay in aysan diidanayn in loo gurmado dadka kunool Somaliland ee ay dhibbaatadu soo gaartay, balse ay ahayd in lacagtaas la mariyo haayadaha kheyriga halka gacanta laga saari lahaa maamulka Somaliland.

“Puntland waxay u aragtaa in lacagtaasi tahay mid kaash ah oo gacanta laga saaray Muuse Biixi iyo maamulkiisa laguna hurinayo dhibbaatada ka taagan Sool iyo Sanaag, annaga ka Puntland ahaan waan cambaareynaynaa, waxaana u aragnaa mid lagu dhibbaateynayo Puntland iyo shacbkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi, oo kamid ah guddiga difaaca Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in ay u aragto in Dowladda Federaalka ay ku biirtay colaada ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, ayna garabsiineyso Somaliland.

Masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo ay hoggaaminayeen Raysulwasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay $1 milyan ugu deeqday Somaliland si loogu caawiyo dadkii ay dhibbaatadu kasoo gaartay roobabkii debaylaha watay oo dhawaan ku dhuftay degaanada bari ee Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*