Puntland oo joojisay isku socodka gaadidka ka imaanaya Somaliland iyo Itoobiya

Gaadiidka ka shaqeeya Puntland iyo Somaliland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa joojisay dhammaan isku socodka gaadiidka iyo rakaabka ka imaanaya dhinacyada Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya si looga hortago xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war-saxaafeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jimcadii.

Keliya waxaa la ogolaan doonaa ardayda Soomaaliyeed ee ka soo noqonaysa jaamacadaha la fasaxay ee dalka Itoobiya markii la cadeeyo aqoonsiga ardaynimadooda, ayaa lagu iri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa la joojiyay keenista Qaadka gudaha Puntland, waxaana lagu amray ciidamada amniga dhammaan gobolada Puntland in ay tilaabo ka qaadaan wixii Qaad ah oo la soo geliyo gudaha Puntland.

Waxaa ganacstada Puntland lagu amray in ay joojiyaan iibka badeecadaha badan ee dibada uga baxaya Puntland si loo hubiyo in keydka cunto iyo badeecadaha nolosha daruuriga u ah loo hayo dadka Puntland ilaa dalalka xuduudahooda xirtay ee badeecaduhu ka imaan jireen ay xaaladoodu caadi ku soo noqonayso.

Dhammaan awaamiirta ayaa dhaqan geli doonta laga bilaabo maanta oo bishu tahay 28-ka Maarso, 2020, 6:00 PM maqribnimo.

Saddex kiis oo Covid-19 ah ayaa ilaa iyo hadda laga helay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaarrada Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*