Puntland oo heshiis la geli doonta shirkada DP World

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa la filayaa in ay heshiis la gasho shirkada DP World si ay u maamusho una hormariso dekada Boosaaso, ilo-wareedyo madaxtooyada katirsan ayaa u xaqiijiyay warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u safri doona magaalada Dubai maalmaha soo aadan, halkaas oo uu ku saxiixi doono heshiiska u dhaxeeya Puntland iyo DP World, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Shirkada DP World ayaa fadhigeedu yahay magaalada Dubai, waxayna kamidtahay shirkadaha ugu waa-weyn dunida ee maamula dekadaha.

Dekada Boosaaso ayaa ah il-dhaqaaleedka ugu weyn ee dowladda Puntland.

Puntland ayaa hadda wajahaysa markii ugu xumayd ee qalalaase dhanka dhaqaalaha ah, oo ay sababeen musuqmaasuqa balaaran oo ka dhexjira haayadaha dowladda iyo abaarta daran ee ku dhufatay gobolka.

Bilihii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa sameeyay gadood ay kaga cabanayaan musha’haar la’aan muddo ka badan sanad. Gobolka ayaa sidoo kale wajahay weeraro dhiig ku daatay oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha dowladda, oo ay masuuliyadooda sheegteen ururada argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*