Puntland oo hakisay aqoonsiga nabadoonada cusub

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ee Garoowe. [Isha Sawirka: Bogga Facebook-ka Wasaaradda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa hakisay aqoonsiga nabadoonada cusub, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan guddoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka, inay hakiyaan aqoonsiga nabadoonada ilaa amar dambe.” Sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafdeedka kasoo baxay wasaarada fiidnimadii Jimcada.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ay dhamaystirayso habraaca iyo aqoonsiga nabadoonada, ayna dib ka soo sheegi doonto habraaca iyo fasaxa warqada aqoonsiga nabadoonada.

Nabadoonada oo kamid ah hoggaamiye beeleedyada ayaa kaalin weyn ku leh bulshada Puntland, iyaga oo inta badan ka qaybgala xalinta arrimaha kala duwan ee soo kala dhexgala beelaha, waxay sidoo kale door balaaran ku leeyihiin siyaasadda gaar ahaan soo xulista golayaasha dowladaha hoose iyo baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*