Puntland oo gurmadkii ugu weynaa u dirtay magaalada ay fatahaaduhu ku dhufteen ee Beledweyne

Baabuurta sida gurmadka Puntland u dirtay Beledweyne. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa gurmad u dirtay magaalada ay fatahaaduhu ku dhufteen ee Beledweyne maanta oo Arbaco ah.

20 gaadiidka xamuulka qaada oo ay saaranyihiin 12,733 kiish oo raashin ah iyo dhar cusub ayaa maanta ka ambabaxday Puntland iyadoo uu goobjoog ahaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Deeqdan ayaa la sheegay in la gaarsiin doono 7,000 qoys oo kamid ah dadka ay waxyeeleeyeen fatahaaduhu.

Maahan deeqdii ugu horeysay ee Puntland u dirto halkaas balse dhawaan ayaa shan gaari oo sida gurmad oo ka tagay magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ay gaareen Beledweyne. Tana waxay noqon tii ugu balaarnayd.

Madaxweyne Deni oo bogaadiyey dadaalka iyo isxilqaanka reer Puntland sameeyeen si loo caawiyo dadka ay fatahaadu saameysay ayaa yiri: “waa waajib dowladd iyo shacaba saaran qeyb naga mid ah hadii masiibo ku dhacdo in loo gurmado.”

Madaxweyne Deni oo ka hadlaya munaasibada sagootinka gurmadka Beledweyne. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Bishii lasoo dhaafay, dad lagu qiyaasay 164,000 qof ayaa ka cararay guryahooda gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan markii biyha ay ku fataheen magaalada kadib webiga Shabeelle oo qarqarka jabsaday.

Fatahaada oo ay keeneen roobab mahiigaan ah ayaa burburiyay dhul-beereedkii, kaabayaasha iyo waddooyinka gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*