Puntland oo gunaanaday doorashooyinka aqalka hoose

Haweenay kamid ah ergada oo codkeeda dhiibanaysa intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu dooranayay xildhibaanada aqalka hoose oo ka socotay Garoowe. [Xuquuqda Sawirka: Sahan Online]
Haweenay kamid ah ergada oo codkeeda dhiibanaysa intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu dooranayay xildhibaanada aqalka hoose oo ka socotay Garoowe. [Xuquuqda Sawirka: Sahan Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa maanta oo Isniin ah kusoo gunaanaday caasimada Garoowe, doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya u matali doona dowladda Puntland.

Dad gaaraya 1887 qof oo ergo ah ayaa ka qeybgalay doorashooyinka, oo loogu codeeyay 37 xubnood oo aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya looga qoondeeyay Puntland.

Asbuucii hore, maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa iyana afmeeray doorashooyinka xubnaha aqalka hoose.

Xildhibaano aqalka hoose ah oo gaaraya 230 xubnood ayaa lasoo doortay ilaa iyo hadda. Aqalka hoose ayaa ka kooban 275 xubnood.

Xildhibaanada cusub ee aqalka hoose ayaa dooran doona madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 28-da bisha December, sida lagu sheegay bayaan ay soo-saareen hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho asbuucii lasoo dhaafay.

Kiisas balaaran oo musuq-maasuq iyo awood adeegsasho ayaa hareeyay doorashooyinka aqalka hoose ee Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*