Puntland oo dhiirigelinaysa dalxiiska

puntland
Dalxiislayaal ku nasanaya Eyl.

Garoowe-(Puntland Mirror) Gobolada Puntland ayaa markii kowaad laga sameeyay shirkad dalxiiska qaabilsan oo si gaar ah loo leeyahay.

Guddoomiyihii hore gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey” ayaa sheegay inuu sameeyay shirkad dalxiis oo uu ku magacaabay Magool.

Shirkada ayaa dalxiislayaashii kowaad geysay degmada taariikhiga ah ee Eyl, gobolka Nugaal.

Masuuliyiin dowlada katirsan ayaa kamid ahaa dalxiislayaasha halkaas tegay, waxaana kamid ahaa guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dowlada Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaam.

Dhawaan warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa muujinaysa in Soomaaliya noqon doonto suuqa ugu weyn dalxiiska ee Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa leh badaha ugu dheer Afrika, meelo taariikhi ah iyo xeebo qurux badan oo ku wanaagsan dalxiiska.

Xilliyadii dowladii dhexe ee Soomaaliya dalxiiska waxaa maamuli jirtay wasaarada dalxiiska ee dalka, waxaana uu kamid ahaa meelaha ay dakhliga ugu badan kasoo geli jireen dowlada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*