Puntland oo ciidamo u dirtay gobolka Sool, iyo dagaal culus oo dhici kara wakhti kasta

Sawir laga qaaday kolonyo katirsan ciidamada Puntland oo ku sii jeeda gobolka Sool.

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ciidamadeeda qalabka sida geynaysa gobolka Sool, taasoo muujineysa dagaal culus in uu qarxi karo oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland wakhti walba, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidamada katirsan.

Ilo-wareedyo ciidamada Puntland katirsan, oo codsaday in magacooda aan la sheegin, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dowladda Puntland ay ciidamo badan geynayso gobolka Sool.

“Maalmihii u dambeeyay, Puntland waxay ciidamo boqolaal ah geysay gobolka Sool, ciidamada oo wata baabuurta dagaalka ayaa hadda xarumo ka sameystay meel u dhow Tukaraq,”

Madaxweynaha Puntland ayaa wacad ku maray in Somailand ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto weerarkeeda gardarada ah ee ay kusoo qaadeen dhulka Puntland.

“Dowladda Puntland waa ay ku filantahay difaaca dhulkeeda iyo dadkeeda, waxaana u sheegayaa maamulka Hargeysa duulaanka ay ku soo qaadeen Puntland in ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo, ayna heli doonaan jawaabta ku habboon,” Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Garoowe asbuucii hore.

Dhex-dhexaadin uu waday wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa u muuqata in lagu guuldareystay, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamo ka socda Somaliland ayaa la wareegay maamulka tuulada Tukaraq ee gobolka Sool kadib weerar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*