Puntland oo ciidamo u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag

Puntland oo ciidamo u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ciidamo badan u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag isku day ah in looga hortago dadaalka ay Somaliland ku doonayso in sanduukhyada doorashada ay ku geyso Sool iyo Sanaag, sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab sheegay in Somaliland ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto haddii aysan joojin dhaqdhaqaaqeeda ku aadan gobolka.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaalamayay gobolada Sool iyo Sanaag muddo ka badan 20 sanno, taasoo labada maamul mid walba uu sheegto in dhulkooda ay kamidyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*