Puntland oo ciidamada badda u dirtay deegaanada xeebaha si ay ula dagaalamaan burcadbadeeda

Puntland oo ciidamada badda u dirtay deegaanada xeebaha si ay ula dagaalamaan burcadbadeeda. [Sawirka: Archive]
Puntland oo ciidamada badda u dirtay deegaanada xeebaha si ay ula dagaalamaan burcadbadeeda. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Puntland ayaa qaybo katirsan ciidamada badda u dirtay deegaanada xeebaha ee Puntland si ay uga hortagaan ficilada burcadbadeeda, sida uu sheegay sarkaal.

Mowliid Xasan, oo ah sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror in dowladda ay ciidamo katirsan PMPF u dirtay xeebaha Puntland.

“Waxaanu deegaanada xeebaha u dirnay guutooyin katirsan PMPF si ay u burburiyaan burcada kuwaasoo isku dayaya in ay qaadaan weeraro lid ku ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa halkaas.” Ayuu yiri Mowliid.

Dirida ciidamada ayaa timid labo asbuuc kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya ay qaadeen weerarkoodii ugu horeeyay oo ka dhan ah maraakiibta ganacsi ee maraya xeebaha Puntland intii lagu guda jiray shanti sanno ee lasoo dhaafay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*