Puntland oo boqolaal katirsan ciidamadeeda u dirtay magaalo xeebeedka Qandala si ay ula dagaalamaan maleeshiyada taageersan ISIS

Ciidamada amaanka Puntland (PSF) oo uu Maraykanka tababaro. [Sawirka: Archive]
Ciidamada amaanka Puntland (PSF) oo uu Maraykanka tababaro. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa boqolaal ciidamadeeda ah u dirtay magaalo xeebeedka Qandala kadib markii halkaas ay soo galeen asbuucii lasoo dhaafay maleeshiyaad taageersan ISIS, sida uu sheegay sargaal.

Sargaal katirsan ciidamada amaanka Puntland oo ka gaabsaday magaciisa ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dowlada ay ciidamo badan u dirtay magaalo xeebeedka.

“Boqolaal katirsan ciidamada qalabka sida ee Puntand ayaa loo diray magaalo xeebeedka Qandala si ay halkaas howlgalo ugu qaadaan ka dhan ah maleeshiyada Cabdiqaadir Muumin oo asbuucii hore la wareegtay magaalada,” ayuu yiri sargaalka.

Asbuucii lasoo dhaafay, in ka badan 50 dagaalyahan oo taageersan ISIS uuna hoggaaminayo sargaal hore oo Al-Shabaab ah Cabdiqaadir Muumin ayaa qabsaday magaalo xeebeedka Qandala ee kutaala gobolka Bari, balse markii dambe ayay isaga baxeen.

Dadka deegaanka ayaa Puntland Mirror u sheegay in ay arkeen diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida leh kuwaasoo dul maraya deegaanada u dhow Qandala, balse ma jirto wax weerar duqayn ah oo ilaa hadda lasoo wariyay.

In ka badan 400 dadka deegaanka magaalada Qandala ah ayaa ka cararay guryahoodii iyagoo ka cabsi qaba dagaal cusub oo dhexmara ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada taageersan ISIS.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*