Puntland oo beenisay in hub lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Qardho

Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland Xuseen Cusmaan Lugtoor. [Isha Sawirka: Puntland State TV]
Badhan-(Puntland Mirror) Puntland ayaa beenisay in hub lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Badhan maanta oo Isniin ah wasiirka duulista iyo garoomada Puntland Xuseen Cusmaan Lugtoor ayaa sheegay in aysan jirin wax hub ah oo lagu qabtay garoonka magaalada Qardho.

“Waxaan rabaa in aan u cadeeyo shacabka Puntland iyo ummada Soomaaliyeed in aysan jirin wax hub ah oo ka soo degay garoonka Qardho,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dad cadow ku ah horumarka garoomada Puntland ay faafinayaan wararkaas been abuurka ah.

“Garoomada Puntland waa kuwo la isku halayn karo, maamul wanaagsan oo shaqeeyana oo lagu kalsoonyahay leh.” Ayuu yiri wasiir Lugtoor.

Asbuucii la soo dhaafay, qaar kamid ah mareegaha internet-ka ayaa faafiyay warar sheegaya in hub lagu qabtay diyaarad qaad garoonka Qardho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*