Puntland oo 4-0 ku garaacday Koonfur Galbeed koobka maamul goboleeyada Soomaaliya

Ciyaartowga Puntland. Sawirka: Puntland Mirror.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta ee Puntland ayaa ku garaacay Koonfur Galbeed 4-0 ciyaartoodii ugu horeysay ee koobka maamul goboleedyada Soomaaliya.

Goolal ay ka heleen Yacquub Cusmaan iyo Abdiwaaxid Dhakab Dhakab ayaa u suurta gashay in Puntland hesho guusha ay kaga gaartay 4-0 Koonfur Galbeed maanta oo Axad ah.

Puntland ayaa hadda kor kaga jirta guruub A iyagoo leh saddex dhibcood, waxaa iyana saddex dhibcood leh Banaadir oo sidoo kale 5-0 kusoo garaacay Koonfur galbeed ciyaartoodii bilowga ahayd ee Sabtida dhacday.

Puntland ayaa ciyaartooda labaad maalinta Talaadada ah la yeelan doona Banaadir.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*