Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsan doona maxaabiistii dagaalkii Tukaraq

Xabsi kuyaala Puntland. [Isha sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland iyo Somaliland ayaa isku afgartay in is-dhaafsadaan maxaabiistii dagaalkii Tukaraq, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen.

Maxaabiis is-dhaafsiga oo ay fududeynayso haayada ICRC ayaa la filayaa in uu dhaco bisha soo socota ee June, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ku dhawaad 20 askari oo ka soo kala jeeda labada dhinac ayaa lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq sanadkii 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*