Puntland iyo Itoobiya oo isku raacay adkaynta xiriirka ka dhaxeeya

Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: ENA]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland iyo Dalka Itoobiya ayaa isku raacay sidii loo adkayn lahaa xiriirka iskaashi, ganacsi iyo bulsho.

Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shalay oo Talaado ahayd kulan ay ku yeesheen maagalada Addis Ababa kaga hadlay arrimaha nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka oo dhan.

Sidoo kale waxay ka wadahadleen qaabkii loola dagaalami lahaa ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaa wakaalada wararka Itoobiya ee ENA u sheegay in ay gaareen is faham buuxa oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa Isniintii safar shan beri ah ku tagay magaalada Addis Ababa, kadib markii uu martiqaad ka helay Raysulwasaaraha Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*