Puntland iyo Galmudug oo wadahadalo toos ah ka bilaabay gudaha magaalada Gaalkacyo

Puntland iyo Galmudug oo wadahadalo toos ah ka bilaabay gudaha magaalada Gaalkacyo. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wasiiro ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ka bilaabay wadahadalo si looga wada xaajoodo colaada u dhaxaysa labada dhinac, sida uu sheegay Wasiirka Deegaanka Puntland.

“Maanta waxaa wadahadal ku yeeshay gudaha magaalada Gaalkacyo wefdi wasiiro ah oo ka socda Puntland iyo Galmudug, ujeedada kullanku waxa uu ahaa sidii aan uga wadahadli lahayn xasilinta iyo nabadaynta gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri Wasiirka Deegaanka Cali Cabdulaahi Warsame.

“Kulanku si fiican buu u dhacay, waxaana isku raacnay in aan bilowno wadahadalo kuwaas oo bilaaban doona berito.” Ayuu ku daray.

Wadahadalada ayaa waxa ay dabo socdeen kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Cadaado bishii lasoo dhaafay.

Puntland iyo Galmudug ayaa ku dirirayay gobolka Mudug tan iyo  sanadkii1991-dii, boqolaal dad ah ayaa ku dhimatay dagaalkii ugu dambeeyay oo dhexmara ciidamada labada dhinac, halka boqolaal kalena ay ku barakaceen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*