Puntland iyo Galmudug oo madaafiic isweydaarsaday

puntland-taangi
Taangi ay leeyihiin ciidamada dowlada Puntland oo yaala xadka koonfurta Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo, maleeshiyada Galmudug ayaa madaafiic badan kusoo riday xaafada Garsoor ee Gaalkacyo,Puntland, iyaga oo ka jawaabaya weerarka, ciidamada Puntland ayaa ku ganay madaafiic dhanka Galmudug.

Sida ay wararka sheegayaan, ma jirto cid ku dhimatay isweydaarsigaas.

Asbuucii hore, ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen isku-dhacyo u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa u qaysanta labo dhinac, mid waxaa maamusha dowlada Puntland mida kalena maamulka yar ee Galmudug.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*