Puntland iyo Galmudug oo madaafiic isku-weydaarsaday Gaalkacyo

galkayo
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay oo Jimce ah madaafiic isku-weydaarsaday duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Ilaa iyo hadda, ma jirto cid ku dhimatay madaafiicda la is-weydaarsaday.

Bishii lasoo dhaafay, hoggaamiyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis xabad-joojin ah gaaray kadib dhowr asbuuc oo dagaal culus ka dhacayay magaalada kaasoo ay ku dhinteen tobonaan dad ah ayna ku barakaceen ku dhawaad 90,000.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac, iyadoo dhanka waqooyi ee ugu weyn ay maamusho dowlada Puntland dhanka koonfureedna ay maamulaan maamulka yar ee Galmudug.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*