Puntland: Dad ciiday iyo kuwo kale oo sooman

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale oo salaada Ciidul Fitr kala qeybgalay dad weyne ku tukaday garoonka kubada cagta Mire Awaare ee Garoowe. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Qayb kamid ah dadka kunool magaalooyinka Puntland ayaa maanta oo Axad ah oogay saalada Ciidul Fitr, halka qaybo kale oo bulshada ah ay soomanyihiin maanta, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Warsidaha Puntland Mirror oo la xiriiray magaalooyinka Puntland ayaa ogaaday in dad badan ay maanta ciideen halka kuwo kale oo badana ay soomanyihiin.

Magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe, Buurtinle iyo Gaalkacyo ayaa kamid ah meelaha laga ciiday oo dad kalena ay soomanyihiin.

Sida Puntland Mirror ogsoonyahay inta badan masaajidyada kuyaala gudaha Puntland ayaa xalay laga tukaday salaada Taraawiixda taasoo keentay in dad badan ay soomaan kadib markii ay arki waayeen bisha Shawaal.

Xalay fiidkii ayaa dowladda Puntland iclaamisay in Axada ay Ciid tahay sida uu sheegay Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Saalax Xabiib Jaamac oo saxaafada la hadlay.

Wasiirka ayaan xaqiijin in bisha laga arkay gudaha Puntland balse waxa hadalkiisu uu muuqday in Puntland ay la ciidayso caalamka kale iyo Soomaaliya inteeda kale oo iclaamiyay Axada in ay ciid tahay.

Is khilaafida ayaa moodaa in Wasaaradda Cadaaladu iyo Arrimaha Diinta ee Puntland aysan masuuliyad weyn iska saarin sida uu qabo Maxamuud Ibraahim Maxamed oo ah khabiir dhanka arrimaha bulshada ah oo jooga Garoowe.

“Xalay dad badan waxay ula muuqatay in ay Ramadaan tahay sababtoo ah waxaanu tukanay Taraawiix, masuuliyad darada in khilaaf dhaco waxaa iska leh cida ay khuseyso gaar ahaan Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta ee Puntland oo ku guul dareysatay in dhowr beri kahor ay ka hadasho arrinta,” ayuu yiri Maxamuud.

“Waxay ahayd in Wasaaraddu ay isugu yeerto culimada kala duwan oo ay ka wada-xaajoodaan sidii looga hortagi lahaa in khilaaf yimaado, balse taas waa ay ka ilduuftay waxaana dhacay is khilaafid.” Ayuu ku daray khabiirku.

Puntland Mirror ayaa isku dayay in uu la xiriiro Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta ee Puntland si ay uga jawaabaan masuuliyada ay ku leeyihiin arrintan balse ilaa hadda oo aan qoraalkan qornay wax jawaab ah kama hayno.

Is khilaafida munaasabadaha Ciida ayaa yaraa sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay waxaana keentay baa la oran karaa xiriir wanaagsan oo u dhaxeeyay Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta ee Puntland iyo culimada kala duwan ee ku dhaqan Puntland.

Gudaha Puntland, kumanaan dad ah oo sooman ayaa la filayaa in berito oo Isniin ah ay ciidaan.

Intoda badan masuuliyiinta dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ciiday maanta oo Axad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*