Pakistan oo sheegtay in sagaal qof oo shacab ah ay ku dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay ku dhaceen madaafiic ay Hindiya kasoo tuurtay xadka Kashmir

Kashmir ayaa waxaa sheegta lahaanshihiisa labada dal ee Hindiya iyo Pakistan. Labada dal ayaa saddex jeer ku dagaalamay halkaas tan iyo sanadkii 1947-dii. [Sawirka: Archive]
Kashmir ayaa waxaa sheegta lahaanshihiisa labada dal ee Hindiya iyo Pakistan. Labada dal ayaa saddex jeer ku dagaalamay halkaas tan iyo sanadkii 1947-dii. [Sawirka: Archive]
Karachi-(Puntland Mirror) Ugu yaraan sagaal qof oo shacab ah ayaa la dilay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari bus ah oo ay saarnaayeen ay ku dhaceen madaafiic laga soo riday dhanka xadka Hindiya ay ka maamusho gobolka lagu muransanyahay ee Kashmir, sida ay sheegeen saraakiisha Pakistan.

“Bas ay dad saarnaayeen ayaa waxaa madaafiic la beegsatay Hindiya saakay, waxaana ku dhimatay sagaal qof oo gaariga saarnaa,” Sardar Abdul Waheed oo ah taliye ku xigeenka booliiska Neelum Valley Sardar ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.

Xiisada u dhaxaysa labada dal ee haysta hubka nukleerka ah ayaa kor u kacday kadib dilka 18 askari oo Hindi ah oo lagu dilay xadka u dhaxeeya labadaas dal dhowr bil kahor, koox falaago ah oo dhanka Kashmiirta Pakistan kasoo duushay ayaa looga shaki qabaa in ay weerarkaas qaadeen.

Deegaanka ay Muslimiinta u badanyihiin ee Kashmir ayaa waxaa sheegta lahaanshihiisa labada dal ee Hindiya iyo Pakistan. Labada dal ayaa saddex jeer ku dagaalamay halkaas tan iyo sanadkii 1947-dii.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*