Olgan Bekar: Turkigu wuxuu door-bidaa in uusan farogelin siyaasadda gudaha Soomaaliya

Safiirka Turkiga u fadhiya gudaha Soomaaliya Olgan Bekar. [Xigashada Sawirka: Daily Sabah]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Safiirka Turkiga u fadhiya gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalkiisu uu door-bido in uusan farogelin ku sameyn siyaasadda gudaha Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay wargeyska kasoo baxa Turkiga ee Daily Sabah, ambaasadoor Olgan Bekar ayaa sheegay in Turkiga uu muhiimd weyn u leedahay in uu sii ahaado in uusan ku lug laheyn siyaasadda Soomaaliya.

“Turkiga mar walba waxa uu dadaal ku bixinayaa in uu banaanka ka joogo siyaasadda gudaha ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu ka codsaday daneeyaasha caalamiga ah ee siyaasadda Soomaaliya in ay gacan ka geystaan caawimaada dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo ku jira marxalado khatar ah oo adag, Olgan ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya oo nabad ah kuna guuleysata ammaankeeda ay tahay hadafka guud ee qof walba.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay in Turkigu uu ka hirgeliyay mashaariic faro badan oo horumarineed iyo mashaariic bani’aadamnimada ah gudaha Soomaaliya laga soo bilaabo 2011-kii, taasoo keentay “xiriir siyaasadeed heer sare ah.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*