Odayaasha Laascaano oo ku gacan-seyray qorshe ay Somaliland ku uruurineyso maleeshiyo beeleed si ay uga qeybgalaan dagaalka Tukaraq

Magaalada Laascaano. [Sawirka]
Laascaano-(Puntland Mirror) Kulan u dhaxeeyay masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Laascaano ayaa fashil ku dhammaaday, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Kulanka oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxaana qorshuhu ahaa in ay odayaasha ka dhaadhiciyaan in ay soo uruuriyaan maleeshiyo deegaanka ah si ay uga qeyb galaan dagaalka Tukaraq balse odayaasha ayaa soo jeedintaas ku gacan seyray, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan kadib markii ciidamo ka socda Somaliland ay la wareegeen Tukaraq.

Asbuucii lasoo dhaafay, dad badan ayaa ku geeriyooday dagaal ba’an oo ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland halkaas. Xaalada ayaa hadda degan balse dagaalka ayaa qarxi kara wakhti kasta.

Bayaan soo baxay Sabtidii, dowladdaPuntland ayaa ka codsatay shacabkeeda in ay u diyaargaroobaan dagaal wakhti dheer si ay u difaacdo dadkeeda iyo dhulkeeda.

Somaliland ayaa magaalada Laascaano ee xarunta gobolka Sool gacanta ku heysay tan iyo 2007-dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*