Odayaasha dhaqanka Garoowe oo codsaday in la baneeyo xirmooyinka laga sameystay dooxooyin daaqsimeedyada ku dhow magaalada Garoowe

Xirmooyinka dooxooyinka ay xooluhu daaqi jireen ayaa gobolka Nugaal iyo Puntland oo dhan ku noqotay dhibbaato deegaan. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Odayaasha dhaqanka degmada Garoowe ayaa codsaday in la baneeyo xirmooyinka laga sameystay dooxooyin daaqsimeedyada ku dhow magaalada Garoowe.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir ayaa yiri: “Waxaan codsanaynaa wax alle iyo wixii ood ah oo la dhigay nawaaxiga Garoowe laga xukumo in si deg deg ah looga qaado, codsigaas waxaan u jeedinaynaa isimada, maamulka dowladda, cuqaasha iyo wax alle iyo wixii ka xanuunsanaya dhibaatada wadanka taal.”

“Waxaan codsanaynaa in ka daan ka daan aan lagu reebin hal ood ah, haddii kale waxaa kasoo socota ceeb iyo kala dhimad iyo dagaal iyo wax daran sidaa darteed waa in laga hortagaa waxaas oo si deg deg ah hawshaas loogu dhaqaaqo.”

Odayaasha ayaa sheegay in intii ay abaartu jirtay dooxooyinkii ay xooluhu daaqi jireen la heeraartay.  

“Intii loo baxay intii ay abaartu jirtay dooxooyinkii oo dhan ee xooluhu daaqi jireen ayaa nin iyo dooxo loo heeraartay.”

Xirmooyinka dooxooyinka ay xooluhu daaqi jireen ayaa gobolka Nugaal iyo Puntland oo dhan ku noqotay dhibaato deegaan, taasoo sababtay in ay yaraato baadkii iyo daaqii xoolaha ayna khatari soo wajahdo xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaale ee wadanka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*