Obama oo Trump u sheegay in uu Joojiyo cabashada

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama. [Sawirka: AP]
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama. [Sawirka: AP]
Washington(Puntland Mirror) Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u sheegay Donald Trump “in uu joojiyo cabashada” isaga oo nasakhay cabashada Trump ee doorashada Aqalka Cad in ay tahay mid la qorsheeyay.

Waxa uu sheegay in Mr Trump uu iskudayayo in uu ceebeeyo kahor inta aysan dhicin doorashada.

“Waxaan kula talin Mr Trump in uu joojiyo cabashada uuna isku dayo in uu sameeyo sidii uu cod ku heli lahaa,” ayuu yiri Obama.

“Waxay la macno tahay…. in aysan kaa muuqan qaab hoggaamineed iyo adayg oo aad ku doonaysid madaxweyne, haddii aad bilowdid cabasho kahor inta aysan ciyaarta dhamaan,” ayuu ku daray Madaxweyne Obama.

Mr Trump ayaa wajahaya hoos u dhac tirada doorashada ah iyo eedaymo xoog galmo ah.

Ganacsadaha siyaasiga isu-bedelay ayaa ku andacooday doorashada 8-da November in ay noqon karto mid horey loogu qorsheeyay murashaxa xisbiga Dimuqraadiga ee Hillary Clinton.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*