NUSOJ oo sheegtay in shan wariyeyaal ah lagu dilay Soomaaliya sanadkii 2017

Aaska Maxamed Cabdullaahi Maxamed Gaabow kaasoo lagu dilay Muqdisho December 11 2017. [Xigashada. NUSOJ]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shan wariyeyaal ah ayaa lagu dilay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2017-ka, sida lagu sheegay warbixin sanadeed ay soo uruurisay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya ee NUSOJ.

NUSOJ ayaa warbixinteeda ku sheegtay in tirada wariyeyaasha la dilay ay ku dhinteen weeraro bartilmaameedsan, qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo isku dhacyo u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada howlgalka Midowga Afrika.

Si kastoo ay ahaataba, tirada ayaa ka yar tii sanadihii hore, balse NUSOJ ayaa sheegtay in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay wajahayaan hanjabaadyo kaga imaanaya canaasiir dambiilayaal ah oo loo kireysto dhibaatada wariyeyaasha, inta badana loogu weeraro shaqadooda qaab gacan ka hadal iyo af ka hadalba ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*