NISA oo sheegtay in xubin katirsan Al-Shabaab ay ku qabteen howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho

NISA oo howlgalo ka fuliyay Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa qabtay xubin katirsan maleeshiyada Al-Shabab kadib howlgal ka dhacay Muqdisho.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo.” Ayaa NISA ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggooda rasmiga ah ee Twitter-ka maanta oo Isniin ah.

NISA ma aysa sheegin faahfaahin dheeri ah oo ku sabsan xubinta ay qabteen.

Axadii, ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay weerar gaari oo ismiidaamin ah oo lala beegsaday xarunta degmada Hawlwadaag ee Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*