NISA oo miinada dhulka lagu aaso ku fashilisay gudaha Muqdisho

Miinada la fashiliyay. [Sawirka: Twitter/NISA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay fashiliyeen miinada dhulka lagu aaso oo ay Al-Shabaab gelisay degmada Heliwaa ee Muqdisho.

“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan. Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya,” sidaa ayaa NISA ku sheegtay qoraal ay soo dhiggeen boggooda Twitter-ka galabta oo Jimce ah.

Al-Shabaab ayaa mar walba miinooyinka dhulka lagu aaso la beegsata ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka milatariga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo dagaal kula jira maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*