Nin Yuhuuda oo lagu dilay toogasho ka dhacday Daanta Galbeed

gaari
Gaariga oo wadada ka baxay burburayna weerarka kadib. Sawirka: AFP.

 

Nin Yuhuud ah ayaa la dilay xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay ayaa la dhaawacay kadib markii gaarigooda rasaas lagu qabadsiiyay Daanta Galbeed, sida ay sheegeen militariga.

Ninka ayaa dhintay markii gaariga uu burburay kadib weerarka meel u dhow deegaanka Yuhuuda ee Otniel.

Ciidamada Yuhuuda ayaa raadinaya dablaydii Falastiiniyiinta ahayd ee weerarka geystay.

Waa weerarkii labaad oo loo geysto Yuhuuda oo ka dhaca Daanta Galbeed labo bari gudahood. Maalintii Khamiista ahayd ayaa gabar 13-sanno jir ah lagu dilay qolkeeda hurdada.

Warbaahinta maxaliga ah ee Yuhuuda ayaa ninka dhintay ku sheegtay magaciisa Michael Miki Mark oo 48-sanno jir ah.

Xaaskii iyo labo caruur oo dhaawac ah ayaa la dhigay isbitaal si loogu daaweeyo.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*