Nin Soomaali ah oo haweenay Maraykan ah mindi ku dilay gudaha magaalada London

London
Shaqaalaha nadaafada oo nadiifinaya barxada uu weerarka ka dhacay ee Russell square ee London.

London-(Puntland Mirror) Nin Soomaali ah oo 19-jir ah haystana dhalashada dalka Norwey ayaa mindi ku dilay haweenay Maraykan ah, sida ay sheegeen booliiska.

Weerarka ayaa ka dhacay barxada Russell Square ee gudaha magaalada London maanta oo Khamiis ah.

Sida loo malaynayo haweenayda dhimatay ayaa jirtay 60-sanno.

Ninka ayaa sidoo kale weerarka mindida ah ku dhawaacay ilaa iyo afar qof oo u dhashay Australia, Britain, America  iyo Israel.

Booliiska London oo gacanta ku dhigay ninka wax dilay wax yar kadib markii uu weerarka geystay ayaa sheegay in aysan ku hayn ninkaas wax cadayn ah oo muujinaya xagjirnimo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninka weerarka geystay uu dhanka maskaxda ka xanuunsanaa.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*