Nin qori ku hubaysan oo afar qof toogasho ku dilay xarun dukumaaysi oo kutaala magaalada Seattle ee Maraykanka

Xarunta dukaamaysiga ee Cascade Mall. Xuquuqda Sawirka: AP.

Seattle-(Puntland Mirror) Nin qori ku hubaysan ayaa rasaas ku furay xarun mashquul badan oo dukaamayasi oo kutaala waqooyiga magaalada Seattle ee dalka Maraykanka, waxaana uu dilay afar qof kuwo kalena si xun ayuu u dhawacay kahor inta uusan baxsan, sida ay sheegeen haayadaha amaanka ee gobolka Washington ee Maraykanka.

Ilaalada gobolka Washington ayaa sheegay in toogashadu ay ka dhacday dukaanka Cascade Mall oo kuyaala magaalada Seattle.

Muuqaal ay duubeen kaamirayoonka oo muujinaya nin qori wata oo looga shaki qabo in uu weerarka geystay.

Ciidamada amaanka ayaa ugaarsanaya ninkii toogashada geystay.

Sida ay sheegeen laamaha caafimaadka, afatra qof ee la dilay ayaa ahaa haween.

Dhacdooyinka toogashada ayaa kusoo noq-noqda gudaha Maraykanka, sababtoo ah dadka shacabka ah ayaa loo ogolyahay in ay guryahooda ku haystaan hubka fudud sida qoryaha, baastooladaha iyo mindiyaha.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee June, ugu yaraan 49 qof ayaa la dilay kadib markii nin qori ku hubaysan uu rasaas huwiyay baar lagu caweeyo oo ay lahaayeen raga isku-jinsiga ah oo isku-taga oo kuyaala magaalada Orlando ee gobolka Florida ee dalka Maraykanka, kooxda ISIS ayaa sheegatay masuuliyada toogashadaas, kaasoo ahaa toogashadii ugu khasaaraha badnayd abid oo ka dhacda gudaha Maraykanka ooh al mar dad toogasho loogu geysto.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*