Niman hubeysan oo gobolka Kilifi ee Kenya ku afduubtay haweenay Talyaani ah oo ka shaqeysa gargaarka

Khariirdada gobolka Kilifi ee Kenya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska Kenya ayaa sheegay in niman hubeysan ay haweenay ka shaqeysa gargaarka ka afduubteen gobolka xeebta ee Kilifi kadib weerar ay halkaas ku qaadeen oo ay ku dhaawaceen afar qof.

“Burcadu waxay afduubeen haweenay Talyaani ah oo 23-sanno jir ah taasoo ka shaqeysa Africa Milele Onlus, oo ah urur aan dowli ahayh oo ka shaqeeya deegaanka,” ciidamada booliiska Kenya ayaa sidaa ku yiri qoraal ay soo dhigeen bogga Twitter-ka.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in weerarku 8pm uu ka dhacay xarunta ganacsiga Chakama.

Dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoo ciidamada booliiska ay ku dabajiraan nimanka weerarka geystay.

Booliisku ma aysan sheegin in nimanka weerarka geystay looga shaki qabo maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo weeraro noocaan oo kale ah sanadihii lasoo dhaafay ka geysatay gudaha dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*