Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Koonfur Afrika oo loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Nicholas Haysom. [Xigashada Sawirka: AFP]
New York-(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Nicholas Haysom oo kasoo jeeda Koonfur Afrika u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa Arbacadii.

Nicholas Haysom ayaa bedeli doona Michael Keating oo kasoo jeeday Britain, oo xafiiska ka tagi doona 1-da Oktoobar ee sanadkan.

Haysom waxa uu dhashay sanadkii 1952, waa garyaqaan leh khibrad dheer oo shaqo oo caalami ah ee dhinacyada maamulka dimuqraadiyada, dastuurka iyo horumarinta doorashada, dib u sheesiinta iyo hanaanka nabada, sida lagu sheegay bayaanka.

Hadda waxa uu ahaa wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, xilkaas oo uu hayay ilaa 2016-kii.

Hadda kahor, waxa uu kasoo shaqeeyay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Afkaanistaan iyo madaxa taageerada Qaramada Midoobay ee Afkaanistaan.

Sidoo kale Haysom waxa uu kasoo shaqeeyay dowladda Koonfur Afrika. Waxa uu ku lug lahaa hanaanka nabada ee Burundi laga soo bilaabo 1998 ilaa 2002 iyo hanaanka nabada ee Suudaan intii u dhaxeysay 2002 ilaa 2005.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*