Muxuu Khayre uga baaqsaday dhagax dhiga dhismaha dekada Garacad?

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Lahaanshaha Sawirka: Getty Images]
Dhismaha dekada magaalada Garacad ee gobolka Mudug ayaa shalay oo Talaado ahayd la dhagax dhigay.

Sida qorshuhu ahaa waxaa la filayay in Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar ku jooga Puntland uu ka qeybgalo munaasabada dhagax dhiga, balse ma dhicin.

Khayre ayaa la sheegay in uu ka baaqdsay in uu ka qeybgalo, balse lama sheegin sababta keentay.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay munaasabada dhagax dhiga oo ka dhacday magaalada Garacad ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baaqsatay dhagax dhiga dekada.

“Odayaasha iyo isimada dhammaan meesha ka hadlay waxay ka sharqamiyeen maanta in ay ahayd in lagu sharfay Dowladda Federaalka in ay timaado ka soo qeybgasho, dhagax dhigto mashruucaan laakiin ay ka baaqsatay, waa run weeye, waa dhagax dhigan karnaa anagu wakhti hore, laakiin in badan ayaa waxaa dib la isugu dhigayay in la weyneeyo oo aanu dowladayada sida la sheegay dhiig iyo dhacaanba Puntland u hurtay in ay timaado kasoo qeybgasho ay dhagax dhigto laakiin ma dhicin nasiib daro sabab kasta ha noqotee,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

Cabdiweli ayaa intaas ku daray in dekada cusub ay muhiimad weyn u yeelan doonto Soomaaliya iyo gobolka oo dhan oo ay kamidtahay Itoobiya, oo aan laheyn xeeb.

Mashruuca ayaa waxaa ku bixi doona malaayiin dollar waxaana maalgelinaya ganacsato reer Puntland ah, sida uu sheegay Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage.

Waxaa mashruuca dhismaha la siiyay shirkad Turki ah, waxaana la filayaa in shaqada dhismuhu ay socoto muddo labo sanno iyo bar ah.

Baaqsashada Khayre

Sida ilo-wareedyo xog ogaal ah ay sheegeen Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa qorshihiisa waxaa ku jiray in uu dhagax dhigo dekada balse waa uu ka baaqdasay.

Ilo-wareedka ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror in sababo kala duwan uu uga baaqsaday oo ay kamidyihiin cadaadis kaga yimid beeshiisa iyo masuuliyiin sare oo Dowladda Federaalka katirsan.

Siyaasiyiinta beelaha Hawiye gaar ahaan beesha Habargidir ayaa u arka dhismaha dekada Garacad in ay dhibbaato ku tahay qorshahooda ah in ay dekad ka dhistaan magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, oo qiyaastii 100 kiilomitir u jirta Garacad.

Habar Gidir oo degta gobolada dhexe ayaa aaminsan in dekada Hobyo haddii la dhiso ay faaiddo weyn ugu jirto maamulkooda Galmudug oo aan la heyn kaabayaal dhaqaale.

Bishii Janaayo ee sanadkan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhagax dhigay dhismaha dekada Hobyo, balse weli wax shaqo ah kama bilaaban halkaas.

Khayre oo kasoo jeeda beesha Murursade ee Hawiye ayaa tan iyo markii la doortay waxa uu mucaarad kala kulmayay qaar katirsan beeshiisa Hawiye gaar ahaan Habar Gidir oo dooneysay in xilka raysulwasaarenimada loo magacaabo xubin iyaga katirsan.

Ka baaqsashada dhagax dhiga dekada Garacad ayaa muujineysa in Khayre ka cabsi qabo cadaadis xoog leh oo kaga timaada beesha Habar Gidir, oo khilaaf weyn uu kala dhexeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*