Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump oo weeraray Soomaalida joogta Maraykanka

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump. [Sawirka: ABC News]
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump. [Sawirka: ABC News]
Washington-(Puntland Mirror) Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa weeraray bulshada Soomaalida ee kunool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah bulshada ugu badan ee gobolkaas kunool.

“Halkan Minnesota, waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga, iyadoo tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida ay gobolkiina imaanayaan aqoon la’aantiina, iyo taageero la’aantiina ama aqbalaada,” ayuu yiri Mr Trump.

Trump ayaa intaas ku daray in qayb kamid ah Soomaalida ay ku biirayaan ISIS ayna faafinayaan xagjirnimadooda ku aadan dhammaan dalka Maraykanka iyo dhammaan caalamka kale.

Ugu dambayna waxa uu sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo in uusan aqbali doonin wax qaxooti ah iyadoo aan taageero laga helin bulshada maxaliga ah ee kunool halka la dajinayo qaxootiga.

Hadalka uu Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ku weeraray bulshada Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka ayaa imaanaya iyadoo muddo ka yar hal maalin ay ka harsantahay doorashada madaxtinimada Maraykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*