Murashixiinta guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenadiisa oo khudbadahooda kasoo horjeedin doona xildhibaanada aqalka sare ee DFS

Murashixiinta guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenadiisa oo khudbadahooda kasoo horjeedin doona xildhibaanada aqalka sare ee DFS. [Sawirka: Archive]
Murashixiinta guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenadiisa oo khudbadahooda kasoo horjeedin doona xildhibaanada aqalka sare ee DFS. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sida qorshuhu yahay, xildhibaanada aqalka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah dhageysan doona murashixiinta u tartamaya guddoomiyaha aqalka sare iyo ku xigeenadiisa.

Ku dhawaad 16 xubnood oo u tartamaya boosaskaas ayaa la filayaa in ay maanta khudbadahooda kasoo horjeediyaan kulan ay xildhibaanada aqalka sare ku yeelan doonaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Labo xubnood ayaa u tartamaya guddoomiyaha aqalka sare halka 14 kale ay ku loolamayaan ku xigeenka kowaad iyo kan labaad.

Doorashada ayaa beri oo Axad la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Xildhibaanda aqalka sare ee Soomaaliya oo ka kooban 54 xubnood, ayaa ka qeybgali doona doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*