Murashaxa madaxweynaha Soomaaliya Faroole oo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya in uu xilka wareejiyo

faroole
Murashax madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo gurigiisa shir saxafadeed ku qabtay xalay oo Sabti ahayd. Xuquuqda Sawirka: Garowe Online.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee Puntland haddana ah murashaxa madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa xalay oo Sabti ahayd u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya in uu ka tago xafiiska iyadoo wakhtigiisii xafiiska uu ku egaa 10 september.

Shir saxaafadeed uu ku qabtay gurigiisa oo kuyaala Garoowe, ee caasimada Puntland, Faroole ayaa sheegay in dhibaato dastuuri ah ay wajahayso Soomaaliya iyadoo aan la dooran madaxweyne 10 September marka la fiiriyo dastuurka dalka.

“Waxaan u sheegayaa Xasan Shiikh Maxamuud in uu si dhaqso ah uu xilka uu ugu wareejiyo guddoomiyaha baarlamaanka, wakhtigiisii waxa uu dhamaaday maanta. Ma sii noqon doono madaxweyne, hoggaamiyaha baarlamaanka waa in uu sii hayaa xilka ilaa madaxweyne cusub laga dhaarinayo,” ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa ku tilmaamay wakhtigii Xasan Shiikh afar sanno oo fashil ahaa, uusana ilaalin dastuurka dalka, sidoo kale uusan xoojin haayadaha dowliga ah uusana dhamaystirin hanaanka federaalka ee dalka.

“9-kii bishii Agoosto, madasha hoggaamiyaasha qaranka waxay si aan sharci ahayn u kordhiyeen wakhtiga awooda howl-fuliyeyaasha dowlada iyagoo iska indho tiraya dadka sharci dajiyeyaasha ah iyo hanaanka dastuuriga ah ee dalka. Hoggaamiyaasha madasha awood uma leh in ay badalaan dastuurka marka laga reebo in ay sameeyaan wadada loo marayo hanaanka doorasho ee doorashada soo socota,” ayuu ku daray Faroole.

Shir saxaafadeedka Faroole ayaa imaanaya iyadoo ay soo kordhayaan mucaaradka kasoo horjeeda wakhti kordhinta Xasan Shiikh.

Wakhtiga baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku egaa bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, sidoo kale wakhtiga dastuuriga ah ee madaxweynaha ayaa isna ku egaa shalay oo bishu ahayd 10-ka September.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.